Monday, June 25th, 2018

Yaa ka danbeeyay Qaraxii lagu dilay Wasiir C/qaadir C/raxmaan iyo Xildhibaan Kaboweyne ?

Qarax Miino ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Qaraxa oo intiisa badan laga wada maqlay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali.

Wasiirka ayaa waxaa Qaraxa kula geeryooday Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta dhanka amaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay Geerida labada mas’uul waxa ayna sheegen inay u dhinteen

Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali, ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Maleeshiyada waxay sheegeen mas’uuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad Islaami ah.

Dhinaca kale,Maleeshiyada al-Shabaab ayaa horay Qaraxyo ugu dilay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *