Saturday, December 15th, 2018

XOG: Liiska Mas’uuliyiin ku kacay Masuq oo loo gudbiyay MD Farmaajo oo xilkooda u baqaya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qiray In masuq maasuq ba’an uu ka jiro Hay’adaha kala duwan ee Dowladda loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhab ay tahay dhaqaalo xumi dalka ka jirta dadka qaarna aysan fahasaneyn muhiimada ay leedahay bixinta canshuurta,islamarkaana muhiim tahay in wax badan laga dhaadhiciyo.

Sidoo kale,madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiinta qaarkood ay ku kacaan masuq maasuq iyo wax isdaba marin loona baahan yahay in Baarlamaanka si dhaqsi ah ku meel mariyaan shariciga masuq maasuqa iyo qofka ku kaca waxa uu muteysanayo.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaan ka jeediyay Khudbad uu shalay ka jeediyay munaasabada furitaanka kalafadhiga 3-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.Waxaa xaqiiq ah oo jirta lana arkay inuu jiro masuq maasuq hareeyay Hay’adaha Dowladda kuwaasi oo horumarkii ka socday curyaamiyay.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *