Friday, September 21st, 2018

XOG: Fu’aad Shoongale oo war cusub ka soo saaray dagaalka Ciidamada Kenya & Itoobiya ,fariina u diray..

Fu’aad Maxamed Khalaf Shoongale oo ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa Ururka Al-Shabaab ayaa mar kale ku baaqay in lala dagaalamo Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa Federaalka.

Sheikh Fu’aad ayaa si gaar ah farta ugu goday in dagaal adag lala galo Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka jooga Soomaaliya,isagoona si gaar ah ula hadlay shacabka Soomaaliyeed iney dagaalka qeyb ka noqdaan.

Fu’aad Shoongale oo ku dheeraaday dagaalka ka socda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid Jihaad ah ayaa shacabka dalbaday in loo soo baxo dagaalka dalkana laga saaro Ciidamada Shisheeye ee uu ku tilmaamay iney duulaan soo qaadeen,sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaan oo ka mid ah kuwa ugu sareeya Al-Shabaab lana doon doonayo ayaa si dhuumasho ah Muuqaalo u soo duubo kuwaasi oo uu inta badan kula hadlo shacabk iyo Shabaab in dagaalka la xoojiyo. Alshabaab -Shabaab oo hadda culeyso dhanka dagaalka ah heysto ayaa iyagana waxay sii laba jibaareen dagaalada dhabo gal ah ee Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay ku qaadayaan.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *