Saturday, October 20th, 2018

XOG: Dekada Kismaayo oo ay ka Ambabaxeen 20 Doomood oo Khaliijka kusii jeeda & Qatarta Somalia oo…

Dakadda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa waxaa si dar dar leh kaga socda dhoofinta dhuxusha, kadib markii shalay ay halkaasi ka baxeen doomo badan oo sida dhuxul.

wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay illaa 20 Doomood oo dhuxul sida inay ka ambabaxeen Dakadda Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka dalalka Khaliijka si ay halkaasi dhuxusha u geeyaan.

Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday dhoofinta dhuxusha Somaliya, laakiin mamnuucistaasi ka sokow si dhuumaaleysi ah ayaa maalin waliba looga dhoofiya dakadda Magaalada Kismaayo.

Illaa 20 Doomood oo dhuxul sida ayaa ka dhoofay Dakadda Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo u dhaqaaqay dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta Iyo Iran si ay halkaasi dhuxusha u geeyaan.

Wararka ayaa sheegaya dhuxushan oo si dhuumaaleysi ah looga dhoofiyo dakadda Magaalada Kismaayo qarash badan inuu ka soo galo Maamulka Jubbaland oo Magaalada Kismaayo gacanta ku haayo.

Dadka Magaalada Kismaayo kama hadli karaan arrimaha ku saabsan dhuxusha iyo ammaanka Magaaladaasi, sababtoo ah Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe la soo baxay dhaqan cusub oo ah ruuxii wax ka sheega maamulka in la xiraayo.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *