Saturday, December 15th, 2018

XOG Cusub oo laga helayo Wadooyinka Muqdisho ee Xiran & Madaxda DFS oo amartay in…

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada Ammaanka ay dadka Shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka.Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada Ammaanka ay dadka Shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka.

wadada wadnaha ayaana ah halka aan la iskaga gudbi karin magaalada inteeda kale.

Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir iyo sidoo kale meelo kale.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

hacabka ayaa durbaba la qabsaday magaalada oo kala qeybsan waxaana ay isticmaalaan dhowr gaadiid si ay isu maran magaalada , gaadiidka ka imaanaya waqooyiga muqdisho ayanan u gudbio karin koonfurta magaalada , dadka ayaana ka dega marka la gaaro wadada wadna iyagoo qaata gaadiid kale.

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen digniino ku saabsan Ammaanka Magaalada Muqdisho.

isku day ay Warqaad ay sameysay ayaana tilmaamaya in tani ay kamid tahay feeljignaan dhanka Amniga ah.

Gaadiid sida walxaha qarxa ayaana laga cabsi qabaa in ay magaalada ku jiraan kuwaas oo ay baadi goob ku hayaan laamaha Amaanka ee dowladda Somalia.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *