Monday, June 25th, 2018

XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka ku Canaantay Madaxda Imaaraadka

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Hiiraanka.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Dowlada Imaaraadka kaga digay inay Soomaaliya ka sameyso Heshiisyo ama Mashaariic aysan fasax uga heysan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu khadka Telfoonka kula hadlay Madaxda Dowlada Imaaraadka isagoo ka codsaday inay fari galinta xadka dhaaftay ka daayaan Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda Imaaraadka u sheegay inay burburiyaan heshiiska Dekada Berbera ee Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya ay wada saxiixeen, iyadoo dowlada Soomaaliya ay Mowqif adag ka istaagtay, kuna sheegtay mid sharci daro ah.

Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Ujeedka Mashaariicdooda iyo heshiisyada caalamiga ahba ay yihiin inay hormariyaan Soomaaliya, waxayna u sheegeen inaysan jirin dano gaara oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.Madaxda Imaaraadka ayaa ugu dambeyn u sheegtay Madaxweyne Farmaajo in wafdi ka socda dowladooda ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay isla qaadan doonaan xalka ugu dhow ee Heshiiska dekada Berbera.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *