Wednesday, February 21st, 2018

XOG: Axmed Madoobe oo Kismaayo ka tarxiilay xildhibaankii Xabsiga laga sii daayay ee Axmed Taajir

Xildhibaan Axmed Taajir oo ay xalay xabsiga ka siidaayeen ciidamada Jubaland ayaa maanta loo tarxiilay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo horay Xasaanada looga qaaday ayaa markii xabsiga laga sii daayay shaaciyay inuu iska casilay xilka Xildhibaanimo ka dib markii xadgudub sharci uu ku eedeeyay Axmed Madoobe.

Waa xildhibaankii sadexaad oo ay Jubaland u tarxiisho magaalada Muqdisho.Maamulka Jubaland ayaa horay magaalada Kismaayo uga tarxiilay, Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf, Xil. Cabdiqaadir Ibrahim Cali, Suldaan Afguduud, Osman Cige, Xildhibaaan Cabdullahi Dheere, Wariye Cabdinaasir Saxansoxo , Xildhiban Cabdi Axmed oo madaxweynaha ay xidid yihiin iyo xubno kale oo badan.

Dadka Kismaayo ayaa aad isaga ilaalinaya ka hadlida Arrintaan,maadama uu ka baqanayo in wax yeelo loo geysto.Maamulka magaalada Kismaayo ayaa horay u soo saaray amar ah inaan meelaha fadhiga ku diririda looga hadli Karin xaalada amaan ee deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *