Tuesday, August 22nd, 2017

Xigid Si aad oo weeyn looga yaqsano kubada cagta oo Geeriyooday uu ku jiray ..

Ciyaariyahankii Hore Newcastle United Cheick Tiote ayaa geeriyooday kadib markii uu dhulka ku dhacay xilli uu maanta qaadanayay tababarka caadiga ah ee kooxdiisa.Cheik Tiote oo ka mid ahaa kooxda heerka

labaad ee wadanka Shiinaha Beijing Enterprises ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaalka sida la xaqiijiyay goor dhaw.

Gurmad deg-deg ah ayaa loo fidiyay markii balse nasiib darro laguma guuleysan in la badbaadiyo xidigaan wakiilkiisa ayaana saxaafadda u xaqqiijiyay.

“Waa murugo weyn inaan xaqiijiyo in macmiilkeyga Cheick Tiote uu geeriyooday subaxnimadii maanta kadib markii uu dhulka ku dhacay isagoo gudanaya tababarka kooxda Beijing Enterprises”

“Wax badan kama dhihi karo waqtigaan, waxaana ka codsaneynaa in qoyskiisa ay tixgeliyaan waqtigaan adag  waxaan d

hamaan idin weydiisaneynaa ducadiina”

Kaliya 11-kulan ayuu xili ciyaareedkaan u saftay Tiote kooxdiisa Beijing Enterprises, sabtidii ayeyna aheyd markii uu ka caawiyay guul ay ka gaareen Baoding Ronda kulan kusoo dhamaaday 4-2.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *