Saturday, December 15th, 2018

XASAASI: Xildhibaanad Mahad Salaad oo u jawaabay Imaaraadka ( Farmaajo Waa Astaanka Soomaaliya)

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan dowlada ayaa markii ugu horeysay difaacay madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa.

Baraha Bulshada iyo saxaafada Imaaraadka ayaa bilaabay iney soo wariyaan hadalo gaf ku ah madaxweyne Farmaajo iyo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka Akhri Warbixinta Baraha Bulshada Imaaraadka oo Aflagaadeynaya Madaxweyne FarmaajoXildhibaan Mahad Salaad oo ka jawaabaya arintaas ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yahay astaanka qaranimada Soomaaliya isla markaana aysan jirin cid ku xad gubdi karta.

Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay!

Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *