Monday, June 25th, 2018

Wiil uu Dhalay Hogaamiyaha Al shabaab oo la Toogtay & Xog Buuxda oo laga helay Howlgalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehlinsyeen ciidamo mareykan ah ayaa weerar qorsheysan ku dilay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada  Al-shabaab

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Kuntu waareey ee Gobolka shabellaha hoose,Waxana la sheegay dadka la  dilay uu ku jiro wiil uu dhalay hoggaamiyaha  Al-shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeyda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo mareynkan ah ayna ku dileen Maleyshiyaad Gaaraya 12 Dagaalame iyo Labo Horjooge

 

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay magacyada horjogayaasha lagu dilay howlgalka kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegeen  Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)

Ragga la dilay   waxaa la socday  wiil uu dhalay Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen ragaan ka tirsan Al-shabaab ee weerarka lagu dilay.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *