Hiiraan Online News About Somalia » Weerar ka dhacay Boosaaso oo lagu dhaawacay Taliye ku xigeen & Wararkii ugu danbeeyay
Thursday, August 16th, 2018

Weerar ka dhacay Boosaaso oo lagu dhaawacay Taliye ku xigeen & Wararkii ugu danbeeyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar caawa lagu qaaday saldhigga Booliska Bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaana kadib dagaal toos ah uu dhex maray dableydii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa saldhigga oo iska caabiyey weerarka.

Waxaa la xaqiijiey in weerarka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo uu ku jiro taliye xigeenkii saldhiggaasi Sanweyne, kaasoo la sheegay inuu qabo dhaawac culus, Askarta dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaalka Boosaaso.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarkan, waxaana dableydii weerarka qaaday ay ka baxsadeen goobta

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *