Wednesday, January 23rd, 2019

Wasiir ka tirsan Xukuumada Kheyre & Taliyeyaasha Ciidamada oo Hortagaya Baarlamaanka

Maanta ayaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Magalada Muqdisho Guddiga difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya iyaga oo ka hadli doona dhibaatoyinka ay Ciidamada dowladda u geystaan dadka rayidka ah.

Guddiga ayaa waxa ay u yeereen oo Maanta hortagaya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhammaan taliyeyaasha Ciidamada dowladda federaalka maadaama dilal farabadan ay todobaadkii la soo dhagay ay geysteen Ciidamada dowladda.

Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay Wasiirka iyo taliyeyaasha su’aalo dhowr ah ka weeydikn doonaan dhibaatoyinka soo laab laabtay oo ay geystaan ciidamada dowladda.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa ay Magalada Muqdisho ku deen Gabar 9 Sano jir aheyd kana mid aheyd Ardayda Iskuulka Hoyga Xamar iyo Dayax Iimaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale ay horay u dileen dhalinyarada ku Shaqeysa Mooto bajaajta. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhowr mar go’aamiyey in Ciidamada hubka waaweyn ee faraha badan ku dhex wata Magalada Muqdisho balse taasi aysan dhaqan gelin.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *