Wednesday, January 23rd, 2019

Warbixin: Fulin la’aanta xukunada toogasho ee DF oo sii daba dheereyneysa amni darada ka jirta Muqdisho

Inta badan dadka reer Muqdisho waxa ay is weydiinayaan sababta ay dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo u hakisay fulinta dilalka Toogasho ee uu xukunkooda dhacay.Dilalka la fuliyaa ayaa waxaa ugu danbeysay tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii bishii February ee 2017-kii, markii laga reebo dilal ka yar shan oo dhacay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa riday xukuno kor u dhaafaya 20 xukun, hase yeeshee waxaa isweydiin mudan sababta loo fulin la’ yahay.Xukunada ugu badan ayaa lagu riday Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaarkood lagu hayo cadeymo muujinaaya Qaraxyo iyo dilal ay geesteen balse ma jirto xukun lagu fuliyay oo ku aadan Shaqsiyaadkii dilalka lagu xukumay.

Xukunada ay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ku rido danbiilayaash ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida cad soo saxiixay.

Waxaa muuqaneysa in Dowlada Somalia ay fulinta dilka toogasho Askariga iyo Al-Shabaab u sahlan tahay dilka Askariga, halka laga doonaayay inay ka fuliso dilka Al-Shabaabka ugu badan ee uu xukunkoodu dhacay.

 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *