Monday, October 23rd, 2017

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaaalkii Bula Burde +Al-Shabaab oo ka hadlay

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in ay guulo wanaagsan ka gaareen Dagaal Culus oo xalay ilaa saakay ka socday Degmada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay qasaaro culus ay gaarsiiyeen Ciidamada Jabuuti iyo Kuwa Dowladda waqti koobana ay la wareegeen Degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa Sheegay in ay dileen Ciidan ka tirsan Kuwa Jabuuti oo kusugnaa Degmadaasi waxaana wali ka maqan Isgaarsiinta Deegaanka.

Dagaalaayaasha Al-Shabaab ayaa Sheegay in ay garoonka diyaaradaha ee Buula barde ay soo caga dhigatay laba diyaaradood oo laga leeyahay UN-ka kuwaas oo ay ku sheegeen in ay dhaawacyo ku qaadayeen.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *