Sunday, February 17th, 2019

Wararkii ugu Dambeeyey Ee Qaraxa Ka Dhacay Duhurnimadii Carwa Idka Ee Muqdisho+Khasaaraha

Xogta ugu dambeysa Qaraxii ka dhacay Degmada Warta Nabada  Agagaarka Isgoyska Baar Ubax ayaa sheegaya in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu geystay.

Qaraxaas ayaa ahaa miinada Dhulka la geliyo waxaana lala Eegtay Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya.

Waxaa la qarxiyey Gaari Cabdi bile ay ku sheegeen dadka goob joogayaasha ah,labo Qof oo Shacab ah ayaa dhintay iyadoo Hal Qof kale uu dhaawacmay oo Askari Katirsan Dawlada lagu sheegay.

Ciidanka Amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen,kuwaas oo xiray isku socodka kala duwan ee deegaankaasi.

Waxaana ay sheegeen in  dadka muddo xanibneyd balse dib loo fasaxay oo jawiga uu caadi kusoo laabtay.

Weerarkaas qaraxa ahaa Ee Salaadii Duhur kadib dhacay Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadeeda.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *