Friday, September 21st, 2018

Warar lama filaan ah oo laga helay Qarax xooggan oo Ciidamada DF lagula eegtay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

goobjoogayaal ah sheegayaan Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso,waxaana Ciidamada ay kula qaraxday xilli ay marayeen nawaaxiga Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi.

Xasan Xuseen Waasuge oo ah guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DFS.

Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa afar Qof oo kale oo ka mid ah dadka deeegaanka.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *