Thursday, December 14th, 2017

War Deg Deg:-Kooxo Hubeysan oo Dil Ka Geystay Magaalada Boosaaso+Kala Carar Ka…

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan in Gudaha magaaladaas ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Yaasiin jaamac Mire.

Kooxo ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka marxuumka, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga Sababta loo dilay iyo Waxa uu Ka shaqeyn Jiray Midna, balse dilkiisa wuxuu ka dhacay Aaga Suuqa Caanaha ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Boosaaso ee Bari ka dhacayay dilka ay geystaan kooxaha Hubeysan, Puntland ayaa u xirta dad ay ku eedeysay Al-shabaab.

 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *