Thursday, December 14th, 2017

War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magalada Muqdisho+Ragii Dilka Geeystay oo Goobta…

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay halkaas ku toogteen goordhaweyd  Askari ka tirsanaa Maamulka Dowladda hoose mid kalena ay dhaawaceen.

Dilka Askariga iyo mid la dhaawacay ayaa la sheegay in ay fuliyeen 3 Nin oo Baskoolado watay oo dhowr xabadood ku dhuftay labada askari, waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaa jira baaritaan lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca loo geystay askari ka tirsan Dowladda Soomaliya.

 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *