Monday, October 23rd, 2017

War Deg Deg ah:-Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah Ridday Shaqsigii Dilay wasiir…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Saakay Xukun Dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu Dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyyre oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u Naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Fasaxday Cismaan Salaad Barre oo Maxkamaddu ay ku weyday wax dambi ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute,ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi oo Maxkamaddu ay sheegtay in ay ku heshay Dilkii Wasiir Cabaas.

Wasiir Cabas C/llaahi Siraaji ayaa la dilay 3-dii May ee Sanadkaan,waxaana uu ku dhintay Rasaas ay fureen Ilaalada Hanti-dhowrkii Xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *