Sunday, June 25th, 2017

War deg deg ah: Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir oo la qabtay.

Wasiirka wasaaradda Amniga qaranka Maxamed Abuukar Isloow ayaa Shir deg deg ah oo ay hada ku leeyihiin Magaalada Muqdisho golaha Wasiirada ka sheegay in ay soo qabteen C/waaxid Khaliif Axmed oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee G/Banaadir.

Warkaan oo hadda soo dhacay ayaa lagu sheegay in sarkaal lagu soo qabtay Howlgal Qorsheysan oo ay Ciidamada Amaanka ka sameeyeen Magaalada gaar ahaan Suuqa Bakaaraha waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Xasilinta Muqdisho.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in ay guul wanaagsan ay u tahay Ciidamada Amaanka shaqada ay qabateen ninkii ugu sareeyay Al-shabaab ee hogaamin jiray dhalinyarada Bastooladda dadka ku toogta.

Kulanka Golaha Wasiirada oo ah kulan deg deg ah ayaa wali ka socda Magaalada Muqdisho waxaana xoogga lagu saarayaa Amaanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in laga soo saaro qodob dhinaca Amniga ah.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *