Wednesday, February 21st, 2018

War Cusub:XOG CUSUB: R/wasaare Kheyre oo la Ogaaday Waqtiga Xilka laga qaadayo

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in marka uu furmo Kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ay Xildhibaanada qorsheynayaan in si dhaqso ah xafiiska ay kaga diraan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaano aad u badan ayaa isku aruursanaya Magaalada Muqdisho, waxaana sii xoogeysanaya taageerada ay helayaan xildhibaanada kacdoonka ka ah Xasan Cali Kheyre.

Todobaadyada ugu horeeya ee Kalfadhiga Baarlamaanka furitaankiisa ayay suurta gal tahay inuu ku baxo Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in xilka laga qaado Kheyre, wuxuuna doonayaa inay isla dhameystaan sanadaha u haray, isagoo kaga go’leh inuu ka duwan yahay Madaxdii hore ee dalka soo maray oo khilaaf joogta uu dhex dhici jiray Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *