Wednesday, January 23rd, 2019

WAR CUSUB: Madaxii Maaliyada Shabaab Oo La Dilay [Howlgal Qorsheysan+Magaciisa]

Xog ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Amniga Ee Kusugan Gobolka Bay waxaa la dilay Sargaal sare oo katirsanaa Ururka Al Shabaab oo aad loogu raad joogay.

Ninka la dilay waxa uu ku magacaabnaa Madaxii Maaliyada Al Shabaab Uqaabilsanaa Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay.

Magaciisa ayaa lagu soo koobay Abu Khudaama inkastoo magaciisa saxda ah la heyn oo Kunyadaas waxaa ugu yeeri jiray Al Shabaab.

Ciidamada Koonfur Galbeed waxay sheegeen in howlgalka oo ka dhacay tuulada barariye oo 30KM ujirta Buur Hakaba lagu dilay Abu Khudaama islamarkaana Qori AK47 ah iyo Bistoolad uu watay laga soo furtay

Howlgalka ayaa ciidanka qaaday waxay ka baxeen markii hore Buur Hakaba iyagoona kadib Howlgalka dib ugu laabtay Magaaladaasi.

Ma heyno wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al Shabaab oo ay ku xaqiijinayaan jiritaanka dilka loo geystay Sargaalkaasi dhinaca Dhaqaalaha uqaabilsanaa Buur Hakaba iyo inay beeninayaan intuba.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *