Wednesday, August 23rd, 2017

Wada-hadal u biloowday Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca+Arin…

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca uu u biloowday Wada-hadal hoose oo aan Toos aheyn islamarkaana uu rajeynayo in wada-hadaladaasi ay miro dhalaan.

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha Galmudug ayaa Xusay in aysan hadda jirin Wada-hadalo Toos ah oo u dhexeeya Labada Maamul,balse ay socdaan kuwo Hoose oo la doonayo in Labada Dhinac ay iskugu soo dhawaadaan.

Bishii April ee Sanadkaan ayey aheyd markii Ay Burbureen Wada-hadalkii Galmudug iyo Ahlusunna ee Dowladda dhexe ay garwadeenka ka aheyd,waxaana Doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale uu sheegay in Muhiimadda Kowaad uu siin doono Wada-hadal uu la galo Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug ma sheegin Waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Wada-hadalka Tooska ah ee Galmudug iyo Ahlusunna,waxaana Wada-hadalsiinta Ahlusunna iyo Galmudug in ay Biloowdaan qeyb ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska QM ee Arrimaha Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *