Wednesday, January 23rd, 2019

Top Sheeko Cajiib ah:Bill Gates oo ah ninka ugu taajirsan adduunka ayaa la weydiiyey, Ma jiraa qof kaa taajirsan?

Bill Gates oo ah ninka ugu taajirsan adduunka ayaa la weydiiyey, Ma jiraa qof kaa taajirsan?

Wuxuu yiri, Haa, hal qof oo kaliya ayaa iga taajirsan, Sanado ka hor ayaan tagey magaalada New York. Waxaan aqriyey ciwaannada wargeysyo halkaas kasoo baxa waxaana jeclaaday mid ka mid ah wargeysyada, waxaan damcay inaan iibsado laakiin ma haysan lacag Shillimaad ah marka waan iska dhaafay.

Markiiba wiil madow ayaa ii yeeray wuxuuna igu yiri” Hoo wargeyskaan adigaan ku siiyey” waxaanse ku iri, Laakiin anigu ma haysto lacag aan ku iibsado. Wuxuu yiri, “Dhib ma leh si bilaash ah ayaan kuu siiyey”.

3 bilood muddo hadda laga joogo ayaan magaaladii ku laabtay si kedis ah ayaa isla sheekadii mar kale u dhacday iyadoo isla wiilkii uu haddana si bilaash ah ii siiyey wargeys kale waxaana ku iri ma aqbali karo. Laakiin wuxuu igu yiri, “Faa’iidadeyda ayaan kaa siiyey dhib ma leh”

19 sano kaddib oo aan taajir noqday ayaan go’aansaday inaan raadiyo wiilkaas. Waan helay kaddib raadin igu qaadatay bil iyo bar. Waxaan weydiiyey inuu i garanayo? Wuxuu yiri, ” Haa, waxaad tahay Bill Gateka caanka ah.”

Waxaan ku iri, waxaad i siisay wargeys si bilaash ah laba jeer sanado ka hor. Hadda waxaan doonayaa inaan kuu abaal gudo. oo aan ku siiyo wax kasta oo aad u baahan tahay. Wiilkii madowga ahaa wuxuu ku jawaabay” Iima abaal celin kartid”

Waxaan ku iri, Sabab? Wuxuu yiri, “Sababtu waxay tahay waxaan abaal kuu galay anigoo Faqri ah waxaana dooneysaa inaad ii abaal guddo adigoo Taajir ah marka taasi abaal gud ma noqon kartaa?

Bill Gates wuxuu yiri, Waxaan is-leeyahay wiilkaas yar ee madowga ah inuu iga taajirsan yahay.

Ma aha inaad sugtid illaa aad ka noqoto taajir si aad wax u bixiso.

The Nation.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *