Friday, September 21st, 2018

Senator C/qeybdiid oo isugu yeeray Ururada Bulshada rayidka una sheegay dhibaato heysata

Kullan ka dhacay Xafiiska Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dastuurka.

Kullanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee (SOCHENCA) Diini Axmed Diini iyo PUNSAA ee Puntland Feysal Axmed Warsame iyo Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Ugu horeyn ayaa kullanka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ee PUNSAA Feysal Axmed Warsame,wuxuuna sheegay iney muhiim tahay in la tashi lala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Diini Maxamed Diini,Gudoomiyaha Dalada Ururada Bulshada rayidka (SOCHENCA) ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqaalaha ku baxaya dastuurka ay bixiso .

Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa  Ururada Bulshada Rayidka uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dastuurka,isagoona sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in howlaha dib u eegista dastuurka dhameystirmaan sanadka 2018-ka.

Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday la tashiyo ay la yeelanyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *