Wednesday, January 23rd, 2019

Qiso Cajiib ah Cimro Qaadasho U Baahan Wiilkiii Dahlin Yarada ahaa iyo Meeydkii saxiibkiis maxaaa….

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su’aashuna waxa ay ahayd ” Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa”?.

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :” Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ”.

Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa :” Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ku samaysan karto gunaanadka wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ”. ( ALLOW NAGA YEEL KUWII DIINTA XAFIDA ). WLL HADII AAD AQRISAY FADLAN SOO QOR =AAMIN,AMIN.

( WLL SHARE DHEH OO LAWADAAG WALAALAHA KALE SI EEY IGU CIMRI QAATAAN )

Qalinka: Ahmad Samaale

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *