Wednesday, January 23rd, 2019

Qarax Ka Dhacay Wadada Xeebta//Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyada Weerarkaas

Alshabaab Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Deegaanka Xeebta ah ee udhaxeeya Jazeera iyo Dhanaane Gobolka Shabellaha Hoose

Waxa Qaraxaas uu ahaa miinada dhulka la geliyo oo lala Eegtay Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya oo wadadaasi kusocdaalayey.

Kudhawaad 14 Askari ayey Shabaab sheegeen in Dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay Qaraxaas maadaama gaarigii ay la socdeen uu qaraxa bur buriyey.

Ilo ka madax banaan ayaan la heyn oo ku aadan Shabaabka waxay sheegeen oo ah in la dilay Askartaasi Gaariga Jameska La socday.

Sargaal u hadlay Al Shabaab ayaa sheegay in 8 askari ay ku dileen qaraxaas islamarkaana ay 6 kale ku dhaawaceen oo tirada ka dhigeysa 14 Qof inay yihiin.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Dawlada oo ay kaga hadlayaan Qaraxaasi ka dhacay Wadada Xeebta.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *