Wednesday, January 23rd, 2019

Nabadoon Caan Ka Ah Puntland Oo Lagu Toogtay Garowe & Kacsanaan Jirta

Sida la xaqiijiyey waxaa lagu toogtay maanta Magaalada Garowe Nabadoon Caan ka ahaa Deegaanada Puntland oo lagu magacaabo Haariye.

Rasaas ay fureen ciidan ka amar qaata Taliyihii hore Ee Qeybta Booliska Puntland Faarax Warsame Daad ayaa la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray Nabadoonka.

Waxa la sheegay in hadda la daweenayo Nabadoon Haariye,taas oo durba keentay Kacsanaan Xaalad ah oo Ehelka Nabadoonka ay sameenayaan.

Laamaha Amniga ayaa ka hortegaya falal la xiriira fadqalalo dhacda,taas oo laga digay in Nabad gelyo xumo ka dhalato.Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Nugaal Cali Salaad waxa uu sheegay inay ku raad joogaan soo qabashada askarta rasaasta ku dhaawacay Nabadoon Haariye.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *