Monday, October 23rd, 2017

Madaxweynaha Somaliya oo haweeney u magacabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada..

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Magacaabay Agaasime ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa Markii ugu horeysay haweenay u magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada,waxaana tani ay muujinaysa doorka ay haweenka Soomaaliyeed dowladda ku leeyihiin.

Aamina Saciid Xasan oo horay u soo noqotay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasime kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa tan iyo Markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaa ay gashay Marxalado kala duwan ,iyadoona ay xusid mudan tahay in saddex bilood ay Villa Soomaaliya yeelatay Saddex Agaasime.

Agaasimaha  dhawaan loo magacaabay Madaxtooyadda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lagu waddaa in uu isbadel weyn uu ku sameeyo Madaxtooyadda shaqaalaheeda.amina-said

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *