Wednesday, January 23rd, 2019

Jabuuti oo Cadeysay Mowqifkeeda isbaheysiga isdhexgalka Somalia, Itoobiya iyo Eritrea

Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya uu shalay kulan ku yeeshay Magaalada Adis aba ayaa waxaa ay labada hoggaamiye ka hadleen sidii loo sii xoojin lahaa is dhexgalka Bulshada Bariga Afrika islamarkaana ay xubin uga noqon lahayd Dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya  Workneh Gebeyehu,  oo kulanka madaxda kaddib shir jaraa’id ku qabtay Adis ababa ayaa u sheegay Wariyayaasha in Jabuuti ay soo dhaweysay horumarka geeska Afrika iyo dadaallada uu horseedka ka yahay Abiye Axmed.

Waxaa uu  Workneh Gebeyehu intaas ku daray in Ismaaciil Cumar Geelle uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii lo dhameystiri lahaa arrimaha hakadka ku jira ee ay ka midka tahay xiriirka Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale.

Dhinaciisa Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shirka jaraa’id la qabtay  Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay ka mahad celineyso dadaallada uu wado Ra’isalwasaaraha Itoobiya islamarkaana y Jabuuti fileyso in isbaheysigan ay xubin buuxdo ka noqoto.Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *