Wednesday, January 23rd, 2019

Itoobiya Oo Si La Fileyn Ula Dhaqantay Saraakiil Xabsi Ku Jiray & Go’aankii Soo Baxay

Wararka Ka Imaanaya Caasimada Waddanka Itoobiya Ee Addis Ababa ayaa sheegaya in Maxkamad lasoo taagay  Sagaal Sargaal oo ka tirsanaa Hay’ada Maamusha Hawada Itoobiya oo iyagu 15-kii Bishaan la xidhay

Saraakiishani oo Maanta la siidayey ayaa la xidhay kadib Markii ay ka cabteen Mushahar La’aan iyo Daryeel Xumo waxaana maanta lagu Siidayay Damaanad ah in mid walba 20 kun oo Lacagta Itoobiya ah {LACAGTA BIRTA} Banaanka ku joogo Maalin kasta.

Xukuumada Cusub Ee Itoobiya Uuna Hogaamiyo Dr Abiy Ahmed ayaa wajaheysa culays xoog badan oo kaga imaanaya dhanka Amaanka iyo Shaqo joojin ay samaynayaan Shirkadaha ugu waa weyn Itoobiya.

Waxaan la ogeyn sida ay uga sariigan karto Dawlada Qul qulatooyinkaan Saameynta ku reebay ee Cabashada Shaqaalaha Shirkadaha Dawlada Hoos Yimaada.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *