Hiiraan Online News About Somalia » Itoobiya oo sabab u ah Halis ku habsatay Shacabka 3-Gobol oo ka tirsan Somalia & Arrinta ku qasabtay oo..
Thursday, August 16th, 2018

Itoobiya oo sabab u ah Halis ku habsatay Shacabka 3-Gobol oo ka tirsan Somalia & Arrinta ku qasabtay oo..

Waxaa biyo la’aan ah webiga Shabeelle, waa markii 3aad muddo 3 sano ah, in kasta oo abaar ka jirto gudaha Soomaaliya, haddana dadka Hiiraan iyo Labada shabeelle oo la hadlay Warbaahinta waxaa ay qabaan in sababta ugu weyn ee webigu u guray ay tahay biyo-xireennada Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in biyaha Wabiga oo guray awgeed ay dadku halis ugu jiraan cudurro, Beledweyn waxaa ay dadku cabbaan biyo Mooyo-saxo ah, markii horena ceelal ka fog webiga lama sameysan, taasi oo dhibaato hadda ku noqotay dadka deegaaanka.

Cabdullaahi Indhoy Nuur, oo ka tirsan dadka deggan Ceel-jaalle, ayaa Warbaahinta u sheegay in webiga lagu dhex lugeeyo, oo meelaha biyuhu ku jiraan ay qaraar yihiin isaga oo ku qeyliyay “Dadkii waa bakhtiyay, Ceel-gaal ayaa booyado ka soo iibsannaa, dadku ma awoodaan, oo waa qaxooti…Itoobiyaa leexsatay, oo beero ku waraabsataa la yiri, dadku waa ba’ay, lacagtiina waa la diiday, wax dowlad dhexe oo gurmad noogu yimid ma heyno.”

Sidoo kale, Wariye ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar,ayaa soo sheegaya in biyaha oo guray awgeed, dadka deegaanku waxaa ay webiga ka  dhex qodeen “Xin” oo ah god dheer, si ay biyo uga helaan, dhaansi ka dibna u cabbaan, halka dad qaarna Jowhar biyo looga qaado.Aadan Sheekh Cabdiqaadir, guddoomiye ku-xigeenka tuulada Beexow oo ka tirsan Jowhar, isaga oo ka hadlaya dhibaatada biyo la’aanta waxaa uu sheegay, in ay ku tiirsan yihiin Bajaaj maalin walba biyo ka soo qaaddo Far-janno (ceel Jowhar ku yaallo), halkii jeerigaanna ugu yimaado 3 kun ShS. 3 jiilaal ayey sidan ahaayeen, xoolo, beero iyo dadka oo dhanna nolol kale ma heystaan.Aadan Sheekh Cabdiqaadir, guddoomiye ku-xigeenka tuulada Beexow oo ka tirsan Jowhar, isaga oo ka hadlaya dhibaatada biyo la’aanta waxaa uu sheegay, in ay ku tiirsan yihiin Bajaaj maalin walba biyo ka soo qaaddo Far-janno (ceel Jowhar ku yaallo), halkii jeerigaanna ugu yimaado 3 kun ShS. 3 jiilaal ayey sidan ahaayeen, xoolo, beero iyo dadka oo dhanna nolol kale ma heystaan.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *