Monday, October 23rd, 2017

Hirshabelle oo sheegtay in Xabsiga Balcad ay Al-shabaab buux-dhaafiyeen+Gudoomiyaha…

Maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay Qaraxyada ay Al-shabaab dhigaan inta u dhexeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana Maamulka uu sheegay in ay dajiyeen Qorshe looga hortagayo Qaraxyada Shabaab ay dhulka ku aasaan oo Mararka qaar waxyeelo gaarsiisa Ciidamada Ammaanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Xabsiga Magaalada Balcad ay ku jiraan ku dhawaad 15 Shabaab ah oo qaarkood lagu soo qabtay Qaraxyo iyo Hub intaba.

Sidoo kale Wasiir Mahad Xasan Cismaan waxaa uu sheegay in ay Gacanta ku hayaan Nin Al-shabaab Afur ugu geyn jiray Mooto oo hadda ku jira Gacanta Maamulka Hirshabelle.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *