Wednesday, January 23rd, 2019

General Indha-cadde oo difaacay Dowladda, Sheegayna in Alshabaab…

Yuusuf Maxamed Siyaad indha cadde oo kamid ah saraakiisha millatariga Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay A-lshabaab ka helaan hubka iyo dareeska ciidanka ee ay weerarada u adeegsadaan.

Waxaa uu beeniyay Genaraal Indha Cadde in dowlada Soomaaliya ay darees iyo Hub siiso dagaalamayaasha Al-shabaab.

“Wax macquul ah ma ahan in dowlada Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab inay hubkeeda iyo dareeska ciidamadeeda siiso.”ayuu yiri Indha-cadde oo wareysi siiyay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Hase yeeshee, Indha Cadde ayaa sheegay in Al-shabaab ay hubka meelo kale ka helaan, inkastoo uusan sheegin meelaha ay hubka iyo dareeska ka helaan Al-shababaab.Weerar qaraxyo ah iyo dagaal ah oo ay ku qaadeen qaar ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab toddobaadkii la soo dhaafay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu diley raggii weerarka soo qaaday oo xirnaa dareeska ciidamada Soomaaliyeed.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *