Hiiraan Online News About Somalia » Fadeexad: Soomaaliya Oo Halis Ugu Jirta In Caalamka Laga Waayo Iyo DFS Oo Sababtaasi Leh
Thursday, August 16th, 2018

Fadeexad: Soomaaliya Oo Halis Ugu Jirta In Caalamka Laga Waayo Iyo DFS Oo Sababtaasi Leh

Sida la ogaaday illaa 11 safaarad oo horay safiirro ugu joogeen jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta safiir la’aan ah, oo halkaasi ay ka jirto baahi qaran, safiirradaasi sideed(8) ka mid ah waxaa u yeertay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya halka saddex(3) kale ay ku timid duruufo.

Sideedda(8-dda)  safiir ee ay dowladda u yeertay waa safiirrada dalalka: Shiinaha, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka oo Asia ah iyo dhanka Afrika oo loo wacay safiirrada Zambiya, Suudaanta waqooyi, Uganda iyo Djibouti halka Saddexda(3-da) duruufo ku yimid u bannaan ay kala yihiin safiirkii Kenya oo noqday wasiirka qorsheynta federaalka, safiirkii Washington oo noqday wasiirka arrimaha dibadda  federaalka ah iyo safiirkii UK oo is-casilay.

Safiirrda la soo celiyay, waxaa ku jiray labo safiir oo xilkaasi hayey illaa dowladdii Maxamed Siyaad, dhammaantood waxaana loo cuskaday xeerka siyaasadda arrimaha dibadda oo dhigaya in safiirka 8 sano kadib la soo celinayo.

Inta aaney bannaanaan 11-ka safaarad, guud ahaan safiirrada dibadda ugu maqnaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya tiro ahaan waxaa ay ahaayeen 30 safiir, hadda 19 safiir ayaa shaqeysa, oo 11kii kale ma shaqeeyaan.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *