Monday, October 23rd, 2017

Dhageeyso Maqalka:Ciidamada dad Masakaiin ah oo xasuuqay Galmudug lana aqoon saday ka dib markii ay soo..

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Kaxandhaale iyo Godax ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliis ee laga leeyahay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Kilinka Shanaad iyo dadka deegaanka.

Ilaa iyo hada waxaa la og yahay inay geeriyoodeen Afar qof halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Dagaal oo muddo socday ayaa ilaa iyo hada la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa,balse dhowr jeer ayay dagaalameen Ciidamada Liyuu Booliis iyo dadka deegaanka.

Agaasimaha War-Baahinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal ayaa sheegay in la qoonsaday Ciidamadaas xasuuq iyo dagaal la galay dadka deegaanka wuxuuna sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Itoobiya sidoo kale wuxuu faah faahin ka bixinayay Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaladaas.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *