Saturday, June 24th, 2017

Dhageeyso Maqalka: Ciidamada Mareeykanka oo Waji aan la Fileeynin la soo baxay ka dib markii ay soo…

Kulan ay maanta yeesheen Abaanduulaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Africa iyo ku xigeynkiisa  ayaa lagu Magacaabay Taliyaha Gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Howlgalka ka wada Soomaaliya.

Shirka jaraa’id oo ay Qabteen Mas’uuliyiintaan ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa waxay ku sheegeen in ay dhawaan bilaabi doonaan Howlgakooda Soo Afjaridda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Sarkaalka loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidamada mareykanka ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xilkaan loo dhiibo waxaana Ciidamada Mareykanka ee Jooga Soomaaliya laga maamuli jiray Saldhigga Guud ee Africom.

Taliyaha Cusub ee la magacaabay ayaa laga sugayaa in uu isku daba rido Howlgalka Soomaaliya ka socda ee lagula Dagaalamayo Al-shabaab sida ay shaaciyeen Taliska Guud ee Geeska Africa.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *