Wednesday, January 23rd, 2019

DEG DEG: Kulankii Maanta Baarlamaanka Oo Buuq Ka Dhashay Laguna Kala Tegay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomalaiya ayaa baaqday,iyadoo Buuq uu dhacay.

Kulanka ayaa loo ballansanaa in 10:00 Barqanimo uu furmo maadaama la sheegay in laga hadli lahaa soo geba gabeynta ka doodista Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa waxaa lasoo sheegayaa in tirada sidii la rabay aysan usoo xaadirin,kooram la’aan ayuuna u baaqday sida la sheegay.

120 Xildhibaan keliya ayaa tegay,taas oo ka dhigneyd inaysan aheyn tiradii kulanka ku furmi lahaa,maadaama la rabay in 139 Xildhibaan lagu furi karo Kalfadhiga

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil iyo Daahir Jeesoow ayaa waxay sheegeen inay Eeda ugu badan Ee Ka dhashay Baaqashada Kulanka ay qaadanayaan Wasiirada Xildhibaanada ku jira.

Buuq ayaa ka dhashay Kulankaasi baaqashadiisa,iyadoo ugu dambeyn lagu kala tegay.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *