Saturday, December 15th, 2018

Deg deg ah:War Naxdin ku ah Axmed Madoobe & 6-Askari ka baxsaday oo ku biiray Al-Shabaab

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Askartaan ayaa Shabaab waxa ay sheegeen inay iska soo dhiibeen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Shabaab sida ay sheegeen.

Al Shabaab waxa ay sheegeen askarta isa soo dhiibtay inay ku hubaysnaayeen qoryaha Ak47 iyo Boosashkooda, waxaana muddo ay xiriir la sameynayeen kadib u suuragashay inay maanta Shabaab isku soo dhiibaan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Ceel-cadde lagu soo bandhigay askarta isa soo dhiibtay oo sababta Maamulka Jubbaland ay uga soo goosteen ku sheegay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmeen Maamulkaasi.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si arintaan aan uga xaqiijiyo ayeeysan inoo suuragelin, balse waa sheegada Shabaab kaliya in askartaan isa soo dhiibeen.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidana oo kale askar kala duwan ugu soo bandhigay deganada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *