Monday, June 25th, 2018

Deg deg ah:Ruushka oo soo saaray Nukliyeer aan la arkin oo cabsi geliyay Mareykanka & Dalal kale

Ruushka ayaa soo saarey gantaal cusub oo aan la arki karin, sida laga soo xigtay Madaxweynaha dalkaasi ee  Vladimir Putin, oo shaaciyaya kadib markii uu aasaaska u dhigay hiigsiyo siyaasadeed, markiisii afraad ee uu xilka madaxweynenimo u tartamayo.

Ruushka waxaa ka dheceyso doorasho, 17 maalmood gudahood taas oo la filayo in Putin uu ku guuleysto.

Mr Putin wuxuu ka qeyb qaatay bandhig dhanka hubka ah, waxaa ka mid ahaa gantaal gaari kara “dunida oo dhan, meel walboo ay ahaataba”.

Iyadoo uu isticmaalayey sharaxaad kombuutar ah, wuxuu sheegay madaxweyne Putin in gantaaladan aanay qaban karin dayax gacmeedyada difaaca ee Mareykanka ee yaalla Yurub iyo Aasiya.

Wuxuu ku faanay in ay soo saareen hub awood u leh xambaarida nukliyerka, sida gantaalka Cruise-ka iyo markabka gujis ah ee biyaha hoostooda quusa, ee aan cidna aanay wadin.

Intii ay socotay khudbada labada saacadood laga baahinayay telefishinka ee uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, wuxuu Vladimir Putin ku dhiirigaliyey dadweynaha Ruushka in ay erey bixin u sameeyaan labadda nooc ee hub ee lasoo saaray.

Wuxuu ku doodey in Ruushka uu ka fal celinayo sannadaha badan ee Mareykanku uu dhagaha ka fureysanayay codsiyo badan oo kusaabsan in aanu jabin heshiiska difaaca gantaallada.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *