Wednesday, February 21st, 2018

Deg deg ah:Ninkii Sweden dadka ku laayay sannadkii tagay oo baaritaankiisa wali uu socda

Baadhitaankii lagu waday argagaxiye Rakhmat Akilov oo shan qof ku dilay suuqa Drottninggatan ee Stockholm islamarkaas na dhowr iyo toban dhaawacay ayaa weli sii socda. .

Todobaadkan ayaa la shaaciyay baadhitaankii Akilov iyo dacwadi lagu soo oogay. Halkaas ayaa laga akhriyi karaa in uu argagaxiyahu xidhiidh la lahaa dhowr qof inta aanu weerarin suuqa Drottninggatan.

Johan Olsson oo ka hawlgala ciidamada sirdoonka dalkan ayaa sheegay in ay weli helin balse ay sii baadhayaan dadkii uu Akilov xidhiidh la lahaa inta aanu dembiga gelin.

Dacwada ninkan lagu soo oogay ayaa gaadhaysa 900 oo paage. Halkaas ayaa laga akhriyi karaa in uu Rakhmat Akilov tiro gaadhsiisan 20 qof kala xidhiidhay internetka wakhtigii uu qorsheeynayey weerarka argagaxiso.

Hasayeeshe ayuu caddeeyay Johan Olsson, ciidamada sirdoonka, in aaney weli xaqiijin cidda ay yihiin, in ay Iswiidhan ku suganyihiin hadda iyo in kale.

Qofka aad la hadasho ee Kismaayo jooga waxaa uu kuu sheegayaa inuusan kula hadli karin cabsi uu ka qabo in Muqdisho loo darxiilo aawadeed.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *