Sunday, February 17th, 2019

Deg Deg ah: Waa Sidee Qaadashada Dhalashada Dalka Sweden Hadii uu soo laabto Stefan Löfven…..

Mudo dhoor bilood kadib waxaa muuqata in uu jiro heshiis isku soo dhawaansho ah taasi oo keentay in xisbiyada isbahestay ay ka tanaasulaan siyaasadooda runta aheyd ee keentay in ay sameestaan isbaheysiga Röd grona iyo Alliansen waxana hada muuqata in Stefan Löfven uu noqonayo Raisal wasaaraha Sweden lakin taasi ayaa ku timaaday in Xisbiga uu ka tanaasulo qeybo kamid ah siyaasada xisbiga si uu u helo taageero dhameestiran.

Hogaamiyaha Xisbiga ayaa lagu wadaa in uu maalinta Jimcaha loo qaado codka Barlamaanka si u u hogaamiyo Dowlada cusub ee afarta sano ee soo socota waxana arintaasi ku timid kadib markii labada xisbi ee L iyo C ay taageero u muujiyeen dowlada oo ogolaatay sharuudaha ay wataan xisbiyadaasi oo aad u adag.

Taageerada labada xisbi ayaa dhanka kale waxay keentay in Xisbiga V oo ka tirsan garabka röd grona in uu ka laabto taageeradiisa isagoo sharuud uga dhigay Codkiisa kamid noqoshada dowlada la dhisayo xiligan.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *