Sunday, June 25th, 2017

Deg Deg ah: Dab Xoogan oo Goordhow ka dhacay magalada Barbera + warar kala duwan oo ka…

Wararka laga helayo magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya inuu dab qabsaday Dekadaasi oo qeyb ka mida ay ololeyso.

Dabkan ayaa qabsaday Dekada Berbera, qeybta loo yaqaan Barxada Wajaale, waxaan dadka degaanka ay sheegaan in Qiiqa iyo Ololka ay cirka Isku shareereen.

Dabkan ayaa si weyn loo arkay kadib Afurkii waxaana wararku sheegayaan in Koonteenaro dekadda yaallay uu dabku ka dhashay.

Halka dabku ka socdo ayaa loo yaqaan Barxada Wajaale, waxayna u dhow dahay Haamaha Shidaalka Berbera, iyo Shirkadaha Gaaska wax Lagu karsado taasoo haddii dabku gaaro dhibaato weyn keeni karta.

Dabka ayaa la sheegay inay xakameeyeen Dab-damisyada Dekadda Berbera oo ku koobay qeybo yaryar iyadoo aan wax qasaare ah la soo werin.

 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *