Hiiraan Online News About Somalia » Deg deg ag:Degno si joogta ah gudaha ugu galaan Shabaab oo shacabkeeda bilaabay iney kala cararaan ka dib markii…
Thursday, August 16th, 2018

Deg deg ag:Degno si joogta ah gudaha ugu galaan Shabaab oo shacabkeeda bilaabay iney kala cararaan ka dib markii…

Shacabka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose oo qaati ka taagan dagaal joogta ah oo Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan degmadaaasi,kuwaasi oo ka faa’ideysanaya habacsanaanta dhanka maamulka ah ee ka jirta.

Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney cabsi xoogan la soo deristay xilliyada qorax dhicii ama maqribkii,taasi oo ay ka cabsanayaan dagaal ka yimaada ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Al-SHABAAB ayaa waxay fariisin ku leeyihiin deegaano sidaasi uga fogeyn Afgooye oo ay dagaalka ku soo qaadaan,waxaana ay bartilmaameedsadaan saldhigyada degmada Afgooye,halkaasi oo ay rasaasta ay is dhaafsadaan ciidamada Dowladda waxyeel ka soo gaarto dadka shacabka ah.

Al-shabaab ayaa saacado kooban ka aramiya degmada AFGOOYE marka ay dagaalka soo qaadaan,waxayna mudada yar ay joogaan dhibaato u geystaan dadka shacabka ah.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *