Wednesday, January 23rd, 2019

DAAWO: Xog cusub oo laga helay Ninkii Soomaaliga ahaa ee dadka ku dilay Masjid ku yaalo S/Africa

Nin Soomaali ah ayaa waxa uu Khamiistii la soo dhaafay dil ka geystay Masjid ku yaalla Degmadda Malmesbury ee Galbeedka Gobalka Cape ee dalka Koonfur Afrika. Weerarkaasi waxa lagu dilay 2 qof, hsalka dhowr kalena lagu dhaawacay, sida ay baahiyeen Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi,

Afhayeenka Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi, Amiir Shiikh ayaa sheegay in Ninka dilka geystay lagu magacaabi jirey Nuur C/lle Carraale oo lagu naanaysi jirey Nuur Turaayo, isla matkaana uu ahaa Nin dhowr jeer laga daaweeyey cuddurka Dhimirka.

Afhayeenku waxa uu sheegay inaan Nuur Turaayo lagu aqoonin Rabshado, isla markaana uu maalintaasi doonayey inuu Munaasabadda Ciiddul-fitriga ku soo qaato Gacanka Saldanah ee Xeebta Galbeed ee dalka K/Afrika.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *