Saturday, October 20th, 2018

Daawo Sawirada:Maxkamada G/Togdheer oo amar ku bixisay in fagaaro lagu gubo laguna Bur-Buriyo Khamri & Xashiish

Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaaliland ayaa Gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka dooriya oo isugu jira Khamri iyo Maandooriyaha kale ee loo yaqaano Xashiiska.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa waxaa ay ku soo qabteen 904 Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaaraya ( Hal Kiilo iyo Bar) kaas oo Maanta Xashiiska lagu gubay goob fagaaro ah oo ku taala Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer laguna bur buriyay Dhalooyinki Khamsriga ahaa.

Xeer Ilaaliyaha Gobolka Togdheer Jaamac siciid ayaa sheegay in Xashiisha lagu Beeraya Guri ku yaalla Magaalad Burca halka Gobolka Togdher Guuda ahaan laga soo aruuriyay Deegaannada kale ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cid allaaha cidii lagu arko iyada oo beereysa ka Ganacsaneyso waxyaabaha Maanka dooriya aysan qarin doonin.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *