Wednesday, May 23rd, 2018

Daawo Muuqaalka:Wiil Soomaali ah oo Kabaha Caseeya ka war bixiyau Caqabadaha uu kala Kimmo..

Waa 36-jir soomaali ah magaciisa oo sadexan waxa la yiraada Xusen Cabdi Gaabow waxa uu qeyb ka yahay bulshada ku nool xaafada islii ee magaalada Nairobi horaantii sanadkii 2014-kii ayuu bilaabay shaqada caseyahay ama baalashka kabaha si ugu maareyo noloshiisa.Markii aad tahay qof dhalin yara ah joogtid dal aan aheyn dalkaaga waxa door bideysa inaad dhexd u xirato sidaad shaqa u heli laheyd si nolal maalmed kaga usoo saaratid hadii aadan markaa aheyn shaqsi gacan ama kaalmo ka helo ehelkiisa waana qeyb kamid ah caqabadaha ay wajahaan dhalinyarada ku nool Dalka kenya.

In kasto nolosha ay tahay mid harjad badan hadana shaqada caseyaha ama baalshka kabaha dadka somalida aysan jecleyn oo shaqaba u arkin qaarkod hadana waa xirfad shaqo oo dadyow kala duwan ku ay ku maareyaan nolashoda sida xusen cabdi gaabow ku waramay.

Waxa uu qaatay go’aan u ka mira dhaliyay markii ay burburtay shaqdiisii hore kadib kaas oo ahaa inuusan dad wax weydiisan taa badelkedana u raadsado shaqo balse mudo kadib waxa uu helay shaqada caseyaha ama baalashka kabaha taas u leyahay milkiyadeeda muwaadin kenyaan ah.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *