Monday, June 25th, 2018

Daawo Muuqaalka:Gabar Wariye caan ah oo Qaraxii 28-october ku dhaawacantay oo codsi u dirtay madaxda DF

Wariye Deeqa Cubeyd oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa hadda la daala dhaceysa waxyeelo ka soo gaartay Qaraxii 28-kii octoober ka dhacay Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.Wariye Deeqa Cubeyd ayaa mareysay xilligii qaraxa uu dhacayay meel aan ka fogeyn Hotelka,wuxuuna dhaawac ka soo gaaray Lugta Midix,waxayna sheegtay in mudo bilo ah sariir saaran tahay Lugteedana uu dareenka ka sii lumayo.

Waxay Mdaaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaday iney u suurta geliyaan sidii ay ku heli lahayd caafimaad dibadda ah maadama gudaha aan waxba looga qaban karin waqtina uu ku socdo.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *