Monday, June 25th, 2018

Daawo muuqaalka:243-Xabaalo wadareedyo oo ah Xasuuqii Siyaad Barre ka geystay S/land oo laga helay Hargeysa & Feysal C/Waraabe oo furka tuurtay

Wasiirka Cadaaladda Somaliland,Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Guddiga Xusuuqda xilligan iyo kuwii hore ee Somaliland ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Xabaalo Wadareedyo oo ay ku dad ay xasuuqday Dowladihii hore ee Soomaaliya oo reer Somaliland ah oo lagu soo bandhigay Xaafada Siinaay ee degmada Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargeysa.horeyn ayaa waxaa goobta ka hadlay Guddiga baarista Xasuuqa,Xubno goob joog ka ahaa dhacdadaasi ,Guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax oo dhamaantood dhalinyarada Somaliland ku booriyay iney dib u raacaan taariikhda Somaliland iyo wixii loo soo maray.

Mid ka mid ah Guddiga baarista xasuuqa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in si cad Somaliland loogu soo duulay lana laayay Waxgaradkooda,carruurtooda iyo dhalinyaradooda.

243-Xabaal wadareed ayaa ilaa iyo hadda Xafiiska baarayaasha ay diiwaan geliyeen oo laga helay xaafadda Siinay ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *