Thursday, December 14th, 2017

Daawo: 2 Cayaaryahan oo u wada dheesha Naadi Caan ah oo dagaalantay….

Laba ka mid ah Xidigaha u dheela Naadiga dalka Jarmalka ee Bayer Leverkusen ayaa ku dagaalamay Xerada Tababarka kooxdaas kadib markii ay is af dhaafeen.

Cayaartoyda Naadiga Bayer Leverkusen ee dagaalantay ayaa kala ah Roberto Hilbert iyo Karim Bellarabi Waxaana Xidigahaan ka xumaaday hadal ay is dhaafsanyeen oo ay kaga hadlayeen Guuldaradii Todobaadkaan ka soo Gaartay kooxda Ingolstadt.

Roberto Hilbert iyo Karim Bellarabi ayaa Kaamiradu qabatay iyaga oo dagaalamaya waxaase durbadiiba soo kala dhex galay Cayaartoyda kale ee ay isku Naadiga yihiin waxaase lasheegayaa in Ciqaab lamarsiin doono labadooda lana ganaaxi doono.

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=Q2o-Yfp5-Ak]

1 2 3 4 5 6 7 8

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *